Xogta bogga hore saadasha xanuunka dhimirka

Xanuunka qofku uu shakhsiyad ahaan qalbi jilicsan yahay, EIPS

Xanuunka qofku uu shakhsiyad ahaan qalbi jilicsan yahay, EIPS, ama sida loo yaqaano Khadka xadka, waxa uu qeexaa dhibaatooyinka aad leedahay haddii aad niyad ahaan aad u qalbi jilicsan tahay, walwal badan tahay oo aad leedahay qaab dhaqan waxdumis ah. Haddii aad leedahay EIPS waxaad ku dhici kartaa xaalad waali ah halkaas oo aad waxkasta shaki ka qaado, adiga naftaada iyo dadka kaleba. Waxaad si dhaqso ah iskugu bed bedeshaa noocyada dareenada kala duwan, iyadoo aad ka soo bixi karto shaki oo aad farxad gasho muddo waqti gaaban ah.

Waxa caadi ah in aad dareento inaad wax xun dareemeyso oo aad dareento ceeb badan haddii aad qabto dhibaatooyinkan. Laakiin kaligaa ma tihid, waxaana jira daaweyn u gaar ah EIPS. Waxa xataa jira waxyaalo badan oo aad sameyn karto si aad uga roonaato.

Markaad qabto EIPS, ayay aad kuugu adagtahay inaad maareyso dareenka ah in lagaa wada tagey, walwal ama xanaaqa, iyadoo ay caadi tahay inaad adiga naftaada waxyeelato gaadhsiiso,  jir ahaan ama maskax ahaanba. Waxaad marmarka qaarkood leedahay isku kalsooni wanaagsan laakiin daqiiqada xigta ayaad ku dhacdaa hog aad is necebtahay. Dad badan oo qada EIPS waxay sheegaan dareen qalbigoodu madhan yahay iyo dhibaatooyin ka haysta is aqoonsiga.

Haddii aad qabto EIPS ayay kugu adkaan kartaa inaad aaminto ama amaan ku dareento xidhiidhka dhow dadkaad la leedahay, iyadoo inta badan u dhaxeeya in marna aad u amaanto marka xigana aad ceydo kuwa kugu dhowdhow. Waxa kugu adkaan karta inaad xidhiidhkaagu muddo dheer sii waaro.

Waxa caadi ah in “la isku daaweeyo” khamro iyo daroogo ama inaad yeelato cunto xumo ama is dhibaateyn.

Sidee ayaan ku ogaan karaa inaan qabo EIPS?

Sida waafaqsan shuruudaha, waa inaad qabto ugu yaraan shantan calaamadaha ee soo socda:

  • Cabsi weyn oo ah in lagaa wada tago.
  • Dareen soo noqnoqonaaya oo qalbi madhnaan ah.
  • Sawir isku dhafan ama aan sugneyn oo qofka laftiisa.
  • In si xoogan la iskugu kala bedbedelo xaalado dareen oo kala duduwan: Cadho weyn, walwal ama niyad jab oo socon kara dhowr saacadood, ugu badnaana dhowr maalmood.
  • Cilaaqaadka jawi kala gadgadisan oo udhaxeysa in si xiiso xoogga leh loo jeclaado iyo qiimo dil weyn oo lagu sameeyo.
  • Cadho xooga oo badan oo ka weyn aana u dhigmin waxa keenay.
  • Shaki gaaban oo la buun buuniyey iyadoo la aaminsan yahay ama waaya-aragnimooyin wareegeysa oo ku saabsan dareemid aan run aheyn.
  • Wax aan la qorshey oo la iska sameeyo taas oo tusaale ahaan keenta, in qalad loo isticmaalo maandooriyaha, galmo, cunno ama lacag.
  • Waad is waxyeeleynaysaa, ka fikireysaa inaad is disho, ka hadlay ama qorseynaaya inaad is disho.

Xataa haddii aad is arkeyso calaamadahan ayaan la hubin inaad qabto EIPS. Si aad ugu ogaatid inaad qabto EIPS, waxaad u baahan tahay qiimeyn xirfadeysan. Waxa muhiim ah in meesha laga saaro in aan calaamadahaagu ku xidhneyn sababo kale.

Maxaa taas keenay?

Dad badan oo qaba khadka xadka ayay soo martey arin shoog leh ama koritaan qasan. Qaarkood waxa loo geyestey xadgudub. Laakiin waxaad sidoo kale yeelan kartaa EIPS xiitaa haddii aad heshay korriin ammaan ah oo aan lahayn wax dhaawac shoog ah oo muuqda.

Maxaan caawimo heli karaa?

Haddii aad qabto EIPS ayaad heli kartaa daaweyn taas oo ah dabiibka dhimirka, oo koox ahaan ama shakhsi ahaan laguugu sameeyo. Waxa jira noocyo badan oo dabiib ah oo la arkey inay saameyn wanaagsan u leeyihiin EIPS. Dabiibka dabeecad raadinta xaqiiqda, DBT, dabiibka maskaxda ku salaysan, MBT iyo daaweynta jedwelka ayaa ah dhowr tusaale. Waxaad sidoo kale heli kartaa dawooyin lagu siiyo.

Waxaad xaq u leedahay inaad hesho macluumaad ku saabsan daaweynta kala duduwan ee la heli karo, waxaadna heli doontaa fursad aad naftaada kaqaybqaadato daaweynta. Waxa muhiim ah inaad adigu isku dhiiri galiso oo aad aaminto qofka ku qabiibaaya.

Haddii aad hore ugu raadsatey daryeel caafimaad, laakiin aanad u arag inay wax kuu tartay, waa in aanad iska deynin ee aad haddana mar kale raadsato. Cilmi-baaris ayaa muujineysa in aysan ahayn qaabka dabiibka waxa go’aamiya haddii daaweyntu wax kuu tareyso iyo haddii kale, ee laakiin taasi waa kalsoonida lala sameysto qofka ku daaweynaaya.

Inta badan waa ay ka soo roonaataa

Ma aha wax aan caadi ahayn in lagugu sheego cuduro kale marka lagu daro EIPS, sida tusaale ahaan adhd ama cudurka dhimirka ee baaxaa degga. Si la mid ah marka laga hadlaayo saadaasha cudurkaa, ayay noloshu inta badan ay ka wanaagsanaata muddo ka dib kadib marka aad adigu si ka wanaagsan isku baratid oo aad u sheegi karto bey’adda kugu wareegsan waxaad u baahan tahay si aad caafimaad ugu hesho.