Xogta bogga hore saadasha xanuunka dhimirka

Xanuunka dhimirka ee Iskitsooqobiyanka

Qofka qaba xanuunka dhimirka ee iskitsooqobiyanka waxa ku dhaca waali iyo xaalada dabeecad is bedbedesha labadaba. Waxaa loo arki karaa inay tahay mid jahawareer ah, aan la filan karin oo keeni karta halis weyn haddii cudurku aan waxba laga qaban. Waxa jira daryeel ku caawin karra.

Waa maxay xanuunka dhimirka ee Iskitsooqobiyanka?

Xanuunka dhimirka ee Iskitsooqobiyanka waxa loo qaadan karaa sid mid u dhaxeeya Iskitsoofiriiniyada iyo  xanuunka is bedbedelka dabeecada. Xaalada cudurku badanaa waa mid marxalado ah, oo sida xanuunka is bedbedelka dabeecada, oo leh xiliya la caafimaad qabo oo u dhexeeya xiliyada la xanuunsanaayo.

Calaamadaha xanuunku waxa uu u eegyihiin sida xanuunka is bedbedelka dabeecada, oo la niyad jabsan yahay ama farxad aad u badan, iyo inta badan walwal badan. Xataa calaamado ku xasuuninaaya Iskitsoofiriiniyada, sida waxyaala khayaali aan caadi aheyn iyo dhalanteed. Calaamaduhu waxay noqon karaan qaar aan la maleyn karin taas oo micnaheedu yahay isdil la sameeyo iyadoo aan laga fiirsan.

Sidee ayay nolosha u saameysaa?

Xiliga xanuunka ayaa qofka xanuunsanayaa uu caadi ahaan yahay mid waalan. Calaamadaha aan la filan karin ayaa ka dhigaaya in daaweynta daawada iyo daryeelka caafimaadka inta badan ay lagama maarmaan yihiin, ugu yaraan muddo xili gaaban ah. Xiliyda xanuunka lagu jiro ayaa noqon kara qaar dheer oo socda bilo laakiin daaweynta ayaa caawisa. Daaweynta ayaa xataa dhimi karta khatarta billowga xili xanuun cusub, si uu qofku ugu noolaado nolol caadi ah.

Miyay ka roonaan kartaa?

Xiliga uu xanuunku socdo ayaa kaa dhiga mid ku curyaamiya oo raad xun kaga taga isku kalsoonida. Waxa muhiim ah in la fahmo in aan kali la aheyn oo ay jirto caawimo wanaagsan. Marba marka aqoon ka wanaagsan uu heli qofka uu cudurku ku dhacaa ayay ka sii wanaagsanaaneysa sida loo maareynaayo nolosha.

MARKA laga shaki qabo inaad adigu ama qof qaraabo ah uu leeyahay calaamadaha waalida oo xaalada is bedesho waa inaad raadsato daryeel. In kaligaa la is debaro ayaa keeni karta khatar qofka uu ku dhacay iyo bay’ada ku wareegsanba. Wixii caawimo ah waxaad la xidhiidhi kartaa xarunta daryeelka caafimadka haddi kale xarunta daryeelka dhalinta ama rugta caafimaadka dhimirka ee dadka waaweyn.

Saadaasha cudurka iyo daaweynta

Waa ay qalafsanaan kartaa iyadoo wakhti badan qaadan karta in la sameeyo saadaasha. Gaar ahaan, waxay ku xidhan tahay dhibaatada sidii loo kala saari lahaa faraqa u dhaxeeya xanuunka iskitsoofiriiniyada iyo  Iskitsoofrani, taas oo u baahan daaweyn nooc kale ah.

Marka saadaasha la sameeyo daaweyntu waxa ay ka kooban tahay bestå av daawooyinka waalida iyadoo isla waqtigaas la qaadanaayo wax niyada dehjiya sida, tusaale ahaan lithium. Kuwaas ayaa si fiican wax ugu tara iyagoo dhima khatarta in dib loo xanuunsado. Maadaama oo cudurku uu yahay mid dabadheeraada ayay daaweyntu tahay mid wakhti dheer socota. Xitaa taageerada wadahadalka iyo dabiibka dhimirka ayaa ah hab wanaagsan oo lagu fahmo jiradaada oo la awoodo in si ka wanaagsan loo maareeyo.