Ge en gåva

Xanuunka cunto xumadda

Haddii aad wax badan ka fikirto cunno iyo miisaanka oo ay isku kalsoonidaada ku xidhan tahay sidaad ugu qanacsan tahay jidhkaaga ayaa lahaan kartaa cunto xumadda, Xanuunka cunto xumadda waxa uu caadi u yahay gabdhaha yaryar, laakiin waxa xanuunka cunta cumadu kugu dhici karaa da' kasta, jidhka nooc kasta leh ama jinsi kasta. Dhamaan dhibaatooyinka cuntadu waxay dhaawacaan jidhka iyagoo dilana isku kalsoonidaada iyo sidaad dareemeyso maskax ahaan.

Sidee ayaan ku ogaan karaa inaan qabo xanuunka cunto xumada?

Haddii aad qabto xanuunka cunto xumada ayaa markaa aad ugu adagtahay oo aad markasta xukumeysaa naftaada. Waxa caadi ah inaad ceeb dareeneyso ah sida aad wax u cunayso ama sida aad u eegtahay. Waxaad iska ilaalisaa inaad dadka kale wax la cunto, inta badan ayaad ka boodaa xiliyada cuntada iyadoo aad wax badan ka fikirto cunto, miisaanka iyo sida aad u eegtahay. Ka fikireyso waxa aad markasta sameynayso ayaa kugu adkaan kara oo kaa qaadan kara tamar iyo awood badan. Waxaad kuu iman kara walwal iyadoo aad dareemeyso inaad kali tahay.

Waxa la dareemo karaa in waxyaalaha ugu badan ee noloshadu mu xeeran yihiin cunto, ceed iyo kantarool. Waxa laga yaabaa inaad ka fikireyso inaad si gaara wax u sameyso haddii kale waxa kugu dhacaaya walwal. Waxa caadi ah inay kugu adagtahay inaad ahmiyada wax saarto iyo inaad seexato.  Muddo ka dib ayaa noqon kartaa mid niyad jabsan murugeysan.

Noocyada kala duwan xanuunka cunto xumada

Xoog wax u cunid, bulimiya iyo anorexiya waa seddexda nooc ee ugu caansan xanuunka cunista xumada.

  • Anorexiya micnaheedu waxa weeyaan inaad sida ugu suurtogalsan ugu dhinto miisaankaaga, iyadoo aad sidaas darteed qaadato tamar yar markaas oo uu jidhkaagu gala heer gaajo ah.
  • Xoog wax u cunistu waxa weeye inaad si xoog ay wax u cunto cunto badan taas oo ah cuntooyinka aad caadi ahaan iska ilaaliso. Xoog wax u cunistu waxay socotaa muddo gaaban. Intaa ka dib waxa ku soo gaadha ka shaleyn iyo dareenka ceeb ah.
  • Bulimiya ayaa sidoo kale ah in wax badna la cuno, laakiin waxay kaga duwan tahay inaad markaad cunto kadib isku deydo inaad soo rogto waxaad cuntey, inta badan iyadoo aad iska matajineyso, aad qaadaneyso dawada shubanka ama aad xoog u tababaraneyso.

Waxa kale oo laga yaabaa inaad leedahay nooc kale oo ka duwan xanuunadan xunto xumada, sida anorexiya laakiin waxay ku dhex jiraan miisaanka caadiga ah. Waxas sidoo kale caadi ah in la isku maro hal nooc oo cunto xumo ah ilaa mid kale.

Goorma ayaan caawimo raadsanayaa?

Haddii aad u maleynayso inaad qabto xanuunka cuntoxumada waa inaad sugin inaad raadsato daryeel caafimaad. Marba marka ay ka sii horeyso xiliga aad caawimo raadsaneysa ayay kolba ka sii fiicnaan doonto. Waxa jira daaweyn kaa caawinaaya xanuunka cunto xumadda.

Ku xidhnaan kara in waxbadan lagaa filanaayo.

Waxa jira sababo badan oo lagu qaado xanuunka cunto xumada. Waxay ku xidhan tahay waxyaalaha shakhsiga ah sida loo maareynayo dareenka murugada ah ama xanaaqa ama xidhiidhka dadka kale, laakiin sidoo kale waxay noqon kartaa jawaab celin sida cuntada, kantaroolka iyo muuqaalka lagu qiimeeyo bulshada.

Baahida loo qabo in la lahaado muuqaalka ugu fiican iyo nolol aan xumaan leyn, iyadoo ay inagu wareegsan tahay waxyaalo la cuno oo badan oo loo baahan yahay in la xakameeyo baahiyaheena iyo dareenkeena ayaa la dareemi karaya inaan la buuxin karin taas. Waxay ku bilaabmi kartaa sida baahi xakameyn, halkaas oo aad adigu isku dayeyso inaad maamusho wax cunitaankaaga. Laakiin muddo ka dib ayuu bilaabmaa baahida kantaroolku inuu hogaanka qabto.

Waxa jirta caawimo la heli karro

Waxa laga bogsan karaa xanuunka cunto cumada haddii la helo daaweyn. Waxa jira nooc badan oo la isku daaweeyo sida tusaale ahaan dabiibka wadahadalka iyo daawooyin lagu siiyo. Marmarka qaar ayaa dabiiib iyo daawooyinka diiqa loo baahan karaa.

Halkee ayaan caawimo ka raadsan karaa?

Haddii aad u maleynayso inaad qabto xanuunka cuntoxumada waa inaad caawimo ka raadsato daryeelka. Haddii ay kugu culustahay inaad la xidhiidho adigu naftaada, weydii qof inuu kuu raaco. Haddii aad dareentid in aad qabto fikirka ah inaad noloshaada iska qaado, waa inaanad sugin ee aad isla markaaba toos ugu raadsato daryeel dhimirka ee gargaarka degdega ah ama wac 112.

Kaligaa ma tihid

Waxaa jira dad badan oo qabay xanuunka cunto xumadda oo ka dibna ku soo kabtey. In la qirto in aan la caafimaad qabin oo caawimo la raadsado ayaan aheyn calaamad muujineysa daciifnimo ama inaad khasaaretey, ee waxay taasi muujineysaa taas bedelkeeda. Waa hab lagu helo fursad lagaga roonaado.