Xaaladaha ku lugta leh

Wax cabsi cuqdad gaara ah laga qabo

Dad badan ayaa laga yaabaa inay dareemi karraan wax xun marka ay arkaan dhiig, caaro ama meelaha sarsare. Marka ay cabsidu aad u sii weynaato oo ay kaa hor istaagto inaad u noolaato sida aad dooneyso, ayaa loo qayaanaa cabsi cuqdad gaara ah. Waxa jira daaweyn wanaagsan oo wax badan kaa daaweyn karta.

Waa maxay cabsida cuqdada gaarka ahi?

Cabsi cuqdad gaar ah micnaheedu waxa weeye baqdin la buunbuuniyey oo joogto ah oo ku sabsan wax ama xaalad gaar ah. Marka xidhiidh lala sameeyo waxa cabsida cuqdada laga qabo ayaa qofka qaba baqdintu muujiyaa walwal iyo raaxo la’aan ama argagax. In waxyaalaha qaar laga dareemo raaxo la’aan ayaan micnaheedu ayeyn in la qabo cabsida cuqdada. Haddii qofku uu sameeyo dadaal badan si looga fogaado cabsida, taas oo isla markaa ka hor istaageysa qofka noloshiisa, ayaa laga yaabaa inay noqoto.

Waxa cilmi nafsiga cabsida cuqdada loo kala qeybiyaa saddex kooxood oo kala duwan. Ta ugu horreysaa waa cabsida cuqdada xayawaanka taas oo dhibbanaha ka dhigi karta mid aad u baqdin badan, tusaale ahaan, masaska, caarooyin, jiir ama eeyda. Waxa xataa jira cabsi cuqada oo laga qabo dhacdooyinka bay’ada sida meelaha dhaadheer, danabka ama biyaha. Cabsi cuqada oo kale waxay ku saabsan tahay xaalado gaar ah iyo cabsida klaustrofoobiya (cabsida meelaha diiqa ah) waxayna qofka ka dhigi kartaa mid aad uga cabsanaaya inuu galo wiish ama diyaarad Waxa jiri jarta cabsida cuqdada ee dhiiga iyo cabsida cuqdada ee ah in naqasku ku qabto ama la matago. Cabsida cuqdada ee shiigu waxa ay keeni kartaa suuxdin marka la arko dhiiga.

Wax cabsi cuqdad gaara laga qabo waxay inta badan timaadaa marka lagu jiro da’da lix ilaa laba iyo toban jir. Waxa ka reeban waa cabsida cuqdada ee xaaladaha gaark ah kuwaas oo caadi ahaan la arko inta u dhaxeysa 13-22 sanno jir. Inay kugu dhacdo cabsida cuqdad waxa laga yaabaa inay sabab u tahay hiddoraac waxayna ku saleysan tahay waxyaalo lagu soo dhasho ee sida baxsashada ama dabeecadda dagaalka. Si aan ugu noolaano, waxaynu baranaa inayni cabsoono oo ka falcelino waxyaabaha qaarkood, hab sida cabsida cuqdada ayaa meel aad u fog gaadhey.

Cabsida cuqda waxay inta badan ragga kaga badan tahay dumarka. Saddex ka mid ah afar qof ee qaba ayaa leh ugu yaraan laba cabsi.

Sidee ayaa nolosha u saameyn kartaa?

Baqdinta laga qabo cabsida cuqdada ayaa qofka wax badan ka hor istaagi kara nolol maalmeedkiisa. Iska ilaalinta ayaa ku adkeyn karta dhexgalka bulshada iyo nolosha shaqada labadaba.  Marka cabsida cuqdad ah laga qabo masaska, ayaa tusaale ahaan, ay ka dhigan tahay inaan kaliya laga baqeyn in lala kulmo mas ee ay xataa sidoo kale ku jirto in mas laga arko TV-ga ama sawir. Qofka ay ku dhacdey wuxuu si joogto ah bii’ada uga raadinayaa, taas oo ku adkeynaysa in dabeecadda loo baxo iyadoo laga yaabo in qofku naafo noqdo oo uusan ka bixin guriga.

Cabsiyaha baqdinta ee kala duduwan ayaa leh dareemo kala duduwan. Cabsida xayawaanka, tusaale ahaan, masaska ayaa inta badan ka kooban wiswis iyo ka fogaanshaha sababahaas, halka xaalada cuqada baqdinta ee dhiigu ay ku saabsan tahay cabsida laga qabo in la suuxo. Tani waxay tusaale ahaan u keeni kartaa qofka inuu iska ilaaliyo tegista dhakhtarka ilkaha iyo dhakhtarka, taas oo noqon karta mid khatar badan.

Miyaa laga roonaan karaa?

Dhamaan cabsida cuqada ee gaarka ah looma baahna in la daaweeyo ee waxay ku xidhan tahay inta ay leegtahay xaddidayo qofka ay u keenaysaa. Haddii adiga ama qof qaraabo ah uu muddo dheer uu dareemaayey cabsi weyn oo wax gaar ah ku sabsan oo ay taasi carqalad ku noqoto nolosha, ayay tahay inaad raadsataan caawimo. Cabsiyaha cuqda ee aan la daaweyn ayaa waara.

Waxaad la xidhiidhi kartaa xarunta daryeelka caafimaadka ama xarunta daryeelka dhimirka ee balan la’aanta. Fursad kale waa in toos loogu taggo dabiibe sameeya daaweynta dabeecadda garaadka.

Saadaasha cudurka iyo daaweynta

In la sameeyo saadaasha cudurka ayaa ah mid aad u fudud maadaama oo bukaanku uu badanaa ka warqabo cabsidiisa oo uu sababtaas caawimo ugu raadsado. Tani waxaa lagu tijaabiyaa iyadoo qofka loo keeno waxuu ka cabsoonaayey iyadoo la sii kordhinaayo heerka ka sii adkaanshaha iyada oo uu isla mar ahaantaas tilmaamayo heerka raaxo la’aanta.

Iyadoo daaweyn la isticmaalaayo ayaa cabsida cuqdada inta badan lagaa wada daaweyn karaa. Inta badan, waxa la isticmaalaa daaweynta dabeecadda garaadka (KBT) taas oo ku salaysan in tallaabo tallaabo loogu dareemo waxa cabsida cuqdada ah ka kooban tahay.