Ge en gåva

Xanuunka wiswiska

Dadka oo dhan waxay waxay marmarka qaarkood yeelan karaan fikrado wiswis u eeg, sida in la hubiyo shoolada in la bakhtiiyey ama albaabka la soo xidhey. Marka uu wiswisku qofka ka hor istaago inuu noolaado noloshiisa ayaa loo arkaa inuu yahay cudur. Wax lagaa caawin karro.

Waa maxay xanuunka wiswisku?

Xanuunka wiswisk ama OCD (obsessive compulsive disorder) waa cudur ka dhiga qofka uu ku dhaco fikirka qasabka kaas oo keeni kara inuu qasab wax u sameeyo. Haddii dabeecad qasab ah ay maalintii kaa qaadato ugu yaraan hal saac ama waxyeello ku tayada tayada nolosha, ayaa laga yaabaa inaad qabto xanuunka wiswiska. Waa cudur inta badan bilaabma xiliga caruurnimada ama qaangaarka isagoo saameaya ugu yaraan boqolkiiba laba dadka Iswiidhishka ah.

Qofka buka ayaa markasta ogsoon dabeecad xumadiisa, isagoo doonaaya inuu iska joojiyo, laakiin aan sameyn karrin sababta oo ah walwalka iyo dareemada dareenka kale ee dhibaatada ah ee soo if-baxaya haddii waxa qasabka aan la raacin.

Waa maxay fikirka wiswiska iyo wiswiska keena waxyaalaha la sameeyo?

Fikirka wiswiska ahi waa mid ku soo dhex gala oo ku dhiba, kaa baqadsiiya ama wax xun kuu keena. Fikradaha waxay ku sabsanaan karaan in adiga ama dadka aad jeceshahay ay wax  xun ku dhici karaan ama inaad adigu qof dhaawaci doonto. Waxay inta badan ku bilaabmaan “bal haddii…”

Fikirku waxa uu xataa keeni karaa wiswis keena in wax la sameeyo. Waxa loola jeeda in qofku dareemaayo inuu kuqasban yahay inuu wax si u sameeyo si fikirka loogu aamusiiyo ama walwalka loogu dhimo. Qofku waxa uu yeelan karaa dareen xoogan oo ah in shay qaldan yahay oo sidaas darteed u baahan tahay in la hagaajiyo iyadoo mararban lagu soo celceliyo in ficil la sameeyo ilaa la dareemo inay “sax” haddana tahay.

Wiswiska caadiga ah waa in marar badan kolba la meydho, la hubiyo qufulka iyo shoolada ama inaad naftaada wax ku soo celceliso sida nashiido. Qofka ay ku dhacdey ayaa tusaale ahaan, wuxuu dareemayaa inuu ku qasban yahay inuu ku soo celceliyo nashiido si uu dadka ku dhawdhow uga ilaaliyo shil ama wax xun oo ku dhaca oo kale.

Sidee ayay nolosha u saameysaa?

Dadka qaba wiswiska ayaa inta badan u baahan kantarool iyo nidaam joogto ah oo wax loo qabto. Waa caadi ah in dhibanuhu uu la xishoodo naftiisa iyo dabeecadiisa oo uu sidaas darteed is faquuqo. Maadaama oo lagu mashquulsan yahay fikirka darteed ayaa qofka ayaa badanaa laga yaabaa inuu soo daaho ama xitaa aanu gurigaba soo dhaafin. In wax badan oo aan caadi aheyn la is dhaqo ayaa keeni karta nabar iyo gacmaha oo ku casaada.

In lala noolaado wiswiska iyo falka qasabka loo sameeyo ayaan aheyn mid la doortey. Fikrika iyo dareenk xun waxa keena ma aha dabeecada qofka ee waa cudur. Markaad tahay qaraabada qofka qaba xanuunka khasabka ah ayay muhiim tahay in aan la eedeynin qofka maadaama oo ay ku abuuri karto walwal.

Sidee iyo meeshee ayaan ka raadsan karaa caawimo?

Haddii adiga ama qof qaraabo ah uu ku nool yahay dabeecad wiswis ah sababtoo ah waxa uu qabaa walwal badan ama ay ku adagtahay inaad maareeyo nolol maalmeedka, ayaa waxaa jira caawimo xirfad leh. Ka bilow inaad la xidhiidho xarunta daryeelka caafimaadka ama xarunta daryeelka dhimirka ee balan la’aanta. Haddii aad ka yar tahay 18 jir, waxaad la xidhiidhi kartaa ungdomsmottagning, skolhälsovården ama BUP. Talaabada aad ku raadsaneyso daryeel ayaa la dareemi karaa inay ka fududahay haddii qof qaraabo ah kugu dhiiri galiyo oo ku taageero.

Daaweyntu waxay ka koobnaan kartaa dabiibka dhimirka, daaweyn ama labadaba. Habka Daaweynta Habdhaqanka Fahanka (KBT) ayaa muujisay natiijooyin fiican oo ay ku salaysan in si tallaabo tallaabo ah loola kulmo waxa xun oo laga soo horjeesto wiswiska, si ugu dambayntii loogu dhimo walwalka. Xataa tabobarka jimicsiyada sida la isku dejiyo iyo dhaqdhaqaaqa jirka ayaa sidoo kale caawin kara.