Xogta bogga hore saadasha xanuunka dhimirka

Xanuunka walaaca riiqda shooga

Xanuunka walaaca riiqda shoogu waxa uu qof kasta ku dhici karaa xili kasta oo noloshiis ah. Kufsiga, dhibaateynta ama haddii uu ku soo gaadhay shil halis ah waxaa laga yaabaa inuu keeno dhaawac shoog ah oo keeni kara xanuun weyn. Laakiin waxa jirta caawimo la heli karro.

Waa maxay xanuunka walaaca riiqda shooga (PTSD)?

Xanuunka walaaca riiqda shooga waxa uu imaan karaa qof ay soo gaadhay dhacdo shoog leh oo loo arko inay nolosha halis galisey. Tusaale ahaan xadgudgubka galmada, xadgudubka jidhka iyo maskaxda, dhimashada, jidhdilka, daqaalka, qaxa, masiibooyinka dabiiciga, boobka ama shilalka.

Dadka qaba xanuunka walaaca riiqda shooga ayaa isku daya inay illoobaan dhacdada, laakiin ma awoodaan. Shooga ayaa kolba did loo dareemaa isagoo si isdabajoog ah usoo noqnoqda, xaalad la soo jeedo isagoo ah qaab xusuus ah iyadoo habeenkiina uu yahay riyo xun. Tani waxay sababi kartaa dareen raaxo la’aan ah oo weyn iyadoo keenta hurdo la’aan, walaac, jidhka oo ku xanuun, dhibaatooyin kaa qabsada in wax aad ahmiyada saarto iyo go’doom ahaan.

Sidee ayay nolosha u saameysaa?

Iyadoo ku xidhan sida ay kuugu xuntey PTSO du ayay nolosha siyaabo kala duwan u saameysaa. Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay sii wadan kara shaqada iyagoo si caadi ah u nool, halka ay xaaladaha adagi keeni karaan dhicitaan iyo cabsi inay guriga ka baxaanba.

Sawirka xasuusta ee shooga ayuu kugu soo kicin kara sawirka maskaxda iyo dhacdooinka maalinlaha ah. Waxa caadi ah, in qofka uu ku dhacay uu ka fogaado xaaladaha iyo dadka ku kicin kara xusuusta xanuunka badan, oo ay ku jiraan xataa qoyska iyo saaxiibadu.

PTSD ayaa ka dhigta in dareenka qofku si xad dhaaf ah u soo jeedo. Tani waxay dhibbanaha ka dhigaysaa mid si fudud u cabsooda oo u xanaaqa, taas oo dhalin karta xanaaq aad u xoog badan. Waqtigaa xaadirka ah, waxay u muuqataa in waxa la soo marey ay burburineyso nolosha qof abidkeedba. Uma baahnid inaad kali ku noqoto.

Ma inaan caawimo raadsadaa?

Shoogu ma aha in uu u keeno PTSD laakiin haddii aad ka shakisan tahay, la xidhiidh rugta caafimaadka ama rugta caafimaadka dhimirka ee balan la’aant al aado. Weligeed ma habsan in la raadsado daryeel, laakiin marba marka ay ka sii horeyso xiliga la bilaabaayo daaweynta, ayay ka sii fiican tahay saadaasha iyo ka soo-kabashadu. boqolkiiba 30 dadka la daaweeyey hal bil gudaheed ayaa dib uga soo kabta hal sanno kadib.

Xidhiidhka aad la sameynayso daryeelka caafimaadka ayaa xataa dadka qaraabada ay weydiisan karaan kaalmo. Daaweynta PTSD ayay tahay muhiim in dadaka qaraabada ay joogaa oo ay taageeraan taas oo adkaan karta.

Saadaasha cudurka iyo daaweynta

Si loo sameeyo saadaasha PTSD, aaa loogu baahan yahay baadhitaan buuxa iyadoo la isticmaalayo waxa uu sheegaayo qofka uu ku dhacay. Waxa laga yaabaa inaad buuxiso shaxda qiimeynta si uu dhakhtarku ugu arki karo haddii aad buuxinayso shuruudaha PTSD ama haddii calaamadahaagu ay kenayaan wax kale.

Daaweyn la xaqiijiyey inay waxtar u leedahay PTSD waa daaweynta dabeecadda fahanka (KBT). Waxay ku saleysan tahay in tallaabo tallaabo lagu dhiirado in lagu soo dhawaado wax shoog laga qabo iyadoo la joogo jawi sugan. Sidaas ayaa loo dhimayaa falcelinta walwalka iyadoo aad baran doonto inaad maareyso xasuusta. Nooc kale oo daaweyn ah waxa loo yaqaan EMDR (Eye Movement Desensitization and Reprocessing) taas oo isticmaalaysa hab farsamo oo dhaqdhaqaaqa indhaha la isticmaalaayo. Xataa daawada diiqa ayaa kaa caawin kara PTSD.