Ge en gåva

Walwal guud

Haddii aad qabtid walwal guud oo aad u badan oo aad markasta ka cabsaneyso inay wax uun dhici doonaan ayaa laga yaabaa inuu kugu dhacay xanuunka walwalka guud. Waxa loo soo gaabiyaa GAD kaas oo ah eryga af ingiriisi ah ee generalized anxiety disorder.

Waa sidee in la qabo walwalka guud?

Haddii aad qabto walwalka guud ayay tahay sidii in uu raadaalkaaga masiibooyinku uu markasta kuu shidan yahay. Waxa la dareemi karaa inaanad adigu kaba nasneyin walaaca oo aanad waligaa aheyn mid amaan ah. Isla markii uu ugu soo dhaco fikir ka galiya walwal ayaad dareemeysaa inaad u baahan tahay inaad isla markiiba hesho in wax kuu kala cadaadaan. Waxaad dareemi kartaa inaad u baahan tahay inaad iska ilaaliso waxa niyad ahaan waxa xun la dareemaayo iyadoo ay kugu adkaan karto inaa tahay qof wakhtiga la socda.

Waxa caadi ah inaad isla markaa qabto cudurada kale ee maskaxda ama dhibaatooyinka jidhka. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa inaad qabtid jirro wiswis ah, cunto xumo, ama murugo ama inaad si joogta ah caloosha, dhabarka ama garbahu kuu xanuunaan. Waxaad dareemi kartaa dawakhaad iyo inaaad wareesan tahay oo ay kuu dhibyartahay inaad iska oydo.

GAD waa mid ka mid ah xanuunada walwal badan, waana wax caadi ah in isla wakhtigaas la yeesho dhawr ka mid ah kuwan oo soda. Tusaale ka mid ah xanuunada kale ee walwalka baqdinta bulashada, xanuunka baqdinta ama waxa cabsiyaha laga qabo.

Sidee ayay nolosha u saameysaa?

Waxa laga yaabaa in ay kugu adkaato hurdadu, oo aad u nugulshaha walaaca, kala-taga iyo xaaladaha laga yaabo inaad lumiso kantaroolka.

Waxaad inta badan ka walwali kartaa waxkasta laga bilaabo musiibopyinka kugu dhow ilaa xaaladda adduunka. Wax kastaa ayaa u muuqda khatar adigoo dareemi kara baahi caadi ah oo amaanka. Anteenaha walaaca iyo walwalka ee sida joogtada ah u taagan ayaa keeni kara inuu kugu dhaco cudurka daal-xummada ama murugada. Marba marka ay ka sii badan tahay booska aad uu walwalka qaato, ayay kolba ka sii yaraaneysaa booska aad siineyso nolosha aad rabi laheyd inaad ku noolaato.

Goorma ayaan caawimo raadsanayaa?

Haddii walaacaagu uu aad u weyn yahay oo uu kaa horjoogsado nolol maalmeedka, oo aad xaddido noloshaada, waa inaad raadso caawimo. Waxay sidoo kale khuseysaa haddii aad isku daaweynayso khamri ama daawooyinka la isku dejiyo si aad ugu maareyso xaaladaada maalinlaha ah.

Haddii aad taas oo kale qabto waa in aanad ka waaban inaad caawimo raadsato. Waxa jira waxyaalo badan oo aad sameyn karto si aad uga roonaato, iyadoo talaabada ugu horeysaa ay tahay inaad daryeel caafimaad raadsato. Haddii aan garenyn meesha aad ka raadsaneyso daryeel caafimaad ayaad xarumaha ka heli kartaa asigoo soo maraaya 1177.se

Maxaan caawimo heli karaa?

Waxa laga roonaan karaa haddii la helo daaweyn. Waxa jira nooc badan oo la isku daaweeyo sida tusaale ahaan dabiibka wadahadalka iyo daawooyin lagu siiyo. Daaweyntu waa ku jira inaad barato sida loo xakameyn lahaa walwalka hab aan saameyn ku yeelan oo xaddidin noloshaada.

Haddii aad hore ugu raadsatey daryeel caafimaad, laakiin aanad u arag inay wax kuu tartay, waa in aanad iska deynin ee aad haddana mar kale raadsato. Cilmibaadhis ayaa muujineysa in aysan ahayn qaabka dabiibka waxa go’aamiya haddii daaweyntu wax kuu tareyso iyo haddii kale, ee laakiin taasi waa kalsoonida aad tuseyso qofka ku daaweynaaya.

Kaligaa ma tihid

Waxa jira dad badan oo sanado badan la soo noolaa walwalka, laakiin hela hab ay kaga roonaadaan.

Inaad ogaato haddii aad qabto hal cudurka ama laga yaabo qaar badan waxay macnaheedu ma aha in noloshu ay dhammaatay, ee waa mid taas lidkeeda ah. Waxay adiga ku siin kartaa faham shakhsiyan ah kaas oo hubiya inaad adigu si dhab ah isku eegto, oo kaa caawiya inaad fahamto waxaad u baahan tahay. Waxay keeni kartaa inaad ka sii awood badnaato oo aad hesho isku kalsooni ka wanaagsan.

Marka aad garwosato qalafsanaanteeda ayay ku siin kartaa fursad aad kaga roonaaneyso. Waxay tusaale ahaan kuu horseedi kartaa inaad barato sida loo helo qaabab kale oo kuu ogolaanaaya inaad xaddidid walaacyadaada, oo aad bilowdo inaad dareento kalsoonida cilaaqaadka ama xaalad guud ah. Marba marka aad awoodo inaad kantaroolka sii deyso ayaa la dareeayaa inaad wax ka wanaagsan dareemeyso.