Xogta bogga hore saadasha xanuunka dhimirka

Shooga, qalbi jabka iyo DID

Qalbi jabka waxa uu dhici kartaa marka ay kaa badato dareen ay adagtey in la maareeyo. Sababtu inta badan waxa weeye xaalad shoog ah iyadoo dad badan siin karta calaamada saameyn weyn leh. Waxa caadi ah in si qalad ah loo turjumto oo dadaal dheer oo saadasha cudurka loo galo.

Waa maxay qalbi jabku?

Qalbi jabku waxa micnahiisu yahay kala go’ iyo in jidhku uu hayo waaya-aragnimada iyo ficillada ka duwan miyirka. Xaaladu waxay qofka siisaa dhibaatooyinka ka dhaxeeya isdhexgalka xasuusta, aqoonsiga, aragtida, dareenka, dhaqdhaqaaqa iyo dabeecadda.

Istareeska uu shoogu keeno ayaa ah sababta caadi ahaa ugu badan ee keenta qalbi jabka. Marka ay xaalad shoog leh timaado, ayaa dadka qaarkood ay iska xidhi karaan waxay soo mareen, si ay u dareemaan inay yihiin qaar “naftooda ka baxsan”. Taasi waxay ka qeyb qaadan kartaa in aan la fahmin xaalada oo aan la awoodin in si macquul ah loo dhaqmo. Qalbi jabku waa habka uu jidhku iskaga  xannibaayo xusuusta xun ama ceebta ah iyo dhacdooyinka, iyadoo ujeedadu tahay in la yareeyo walwalkooda. Waxay u muuqan kartaa in qofku aanu xasuusan dhacadada ama dareenka ay kicineyso.

Qalbi jabku waxa keeni kara xaaladaha koritaanka ee qalafsan ee leh xadgudibka, masiibooyinka dabeecada, xasuuqa ama dhibaatooyinka qoyska ee wata gogol dhaafka. Cudurada dhimirka ee ay la socdaad cudurada kale ee dhimirka, gaar ahaa PTSO laakiin ilaa xataa murugada, walwalka iyo qalad wax u isticmaalka ayaa caadi ah. Qalbi jabku waxay uu ku badan yahay deganaansho la’aanta shucuurta khalkhalka shakiyada (ka akhri wax dheeraad ah oo ku saabsan saadaasha cudurka halkan).

Waa maxay khalkhalka aqoonsiga shakhsiyadeed (DID)?

Khalkhalka aqoonsiga shakhsiyadeed ee loo yaqaan ‘Disociative identity disorder’ waxaa loogu yeedhi jirey barigii hore shakhsiyado badan isagoo ah cudur naadir ah kaas oo keena in qaybo ka mid ah shakhsiyaadu midba midka kale “kala baxaan”. Waxay keentaa shakhsiyad kala gedisan taas oo qasta dareenka qofka iyo xakameynta ficiladiisa. Xaalada waxa loo turjuman karaa iskiisoferaanii iyadoo loo dareemo in qof kale uu maamulo jidhkaaga.

Qofka buka ayaa ley dabeecado kala duduwan oo qaab kala duduwan u muuqda, codad, dabeecado, xasuus iyo waayaaragnimo oo si degdeg ah iskugu bedbedelaayo. Boqolkiiba 90 dadka qaba ayaa soo maray dhacdo shoog ah sida xadgudub ama xadgudubka galmada markey soo korayeen. Intooda badan waa dumar iyadoo kala badhkood ay isku dayeen inay is dilaan.

Sidee ayay nolosha u saameysaa?

Xanuunka Khalkhalka aqoonsiga shakhsiyadeed waxa uu qofka uu ku dhaco u sababi karaa dareen aan xaqiiqda waafaqsaneyn, niyad-jabka iyo dareenka ah in laga saarey jidhkooda (qofka oo is gadiya) ama bay’ada (xaqiiqda oo is gadida). Xaaladaha khatarta ayaan qofka lala xidhiidhi karin, aanu ka jawaab celin dareenka maskaxda oo ay ku adag tahay inuu jidhka dalabkiisa ku maamulo. Weerar la mid ah suuxdinta ayaa imaan kara. Dad badan ayaa aaminsan inay ku dhacdey cudur xun oo jidhka ah.

Saadaasha cudurka iyo daaweynta

Bukaanka ka raadsanaaya daryeel xaaladaha qalbi jabka ayaa inta badan qalad loo fahmaa ama aan la rumeysan, taas oo ka qaybqaadanaysa dhibaatada inuu daryeelka caafimaadku sameeyo saadaasha cudurka. Waxay u baahan tahay baadhitaan dhamaystiran oo caafimaad si meesha looga saaro in calaamadaha jira aanay sababin wax cudur jidhka ah taas oo qaadan karta wakhti dheer. Kadibna waxa muhiim noqon karta in la ogaado waxa sababey dhibaatooyinka, badanaa iyadoo uu joogo daaweye dhakhtarka maskaxdi.

Haddii aad ka shakisan tahay in adiga ama qaraabadaada uu qabto khalkhalka aqoonsiga shakhsiyadeed, fadlan la xidhiidh rugta caafimaadka ama cilmi nafsiga guud si aad u hesho hagis dheeraad ah. Inkasta oo calaamadaha niyad jabku ay noqon karaan qaar lama filaan ah oo ay adag tahay in la fahmo, ayaa haddana waxa muhiim ah in la xusuusto in ay jirto daaweyn caawin karta. Waxay noqon kartaa dabiibka dhimirka oo ku wajahan daaweynta shooga iyo xataa daawo