Xogta bogga hore saadasha xanuunka dhimirka

Iskitsoofiriiniyada

Iskitsoofiriiniyada waa jirro maskaxeed kaas oo xuduudaha u dhexeeya khiyaaliga iyo xaqiiqada la tirtirey. Qofka ay ku dhacdey ayaa inta badan aan laheyn dareenka cudurka taas oo daaweynta ka dhigta mid aad u adag. Taas micnaheedu waxa weeye inaan lagu xisabtami karin. ama aanu isaga ahaan karin mar labaad.

Waa maxay iskitsoofiriiniyada?

35000 oo iswiidhish ah waxay la nool yihiin cudurka Iskitsoofiriiniyada taas micnaheedu yahay waali muddo dheer socota. Waalida macnaheedu waa in sida looo arko waxa dhabta ah adkaaneyso, taas oo horseedi karta calaamadaha sida dhalanteedka, khiyaaliga iyo isbeddelada dabeecadda. Dhalanteedku waxa laga dareemi karaa dhamaan garaadka. Kuwa ugu caansan wuxuu ka kooban yihiin codad, kuwaas oo ka faalloonaaya ama amar ku siinaaya qofka waba cudurka inuu wax qabto. Marka qof Iskitsoofiriiniyada qabaa uu dhageysto amarkay codadku siinayaan ayay khatar noqon kartaa taasim markaas oo loo baahan yahay caawimo degeg.

Khayaali la iska dhaadhiciyo ayaa muujinaaya aaminaad in waxyaalahu u si gaar ah yihiin inkastoo ay laakiin bay’addu ogtahay in aysan sidaasi run ahayn. Tusaale ahaan in aad tahay mid la dabo socdo, lagu sumeeyey ama laguu hanjabay. Shay ama dhacdo ayaa isla markiiba loo turjumanayaa wax kale, ama wax ka badan, waxa uu xaqiiqdii yahay. Marka la maqlo qof hadlaaya ayaa khalad loogu qaadan karaa sida haddii uu qofku isaga si xun uga hadlayo iyadoo barnaamij telefishinka ka baxaaya si lama filaan ah loo qaadan karro in fariin qarsoodi ah loogu sheegaayo isaga.

Dareenka ah in lagu lagugula socdo kamarado ama makarafoon ayaa caadi ah. Waxyaabo dadka kale ugu muuqda inay yihiin qeyra macquul, ayaa markaad qabto waalida noqon karta dareen dhab ah. Astaamaha kale ee Iskitsoofiriiniyada waa iyadoo isbeddel ku yimaado habka isgaadhsiinta. Waxyaabaha ay ka midka yihiin hadalka oo yaraada, hakad nolosha dareenka gala iyo niyad jabka.

Dadka intooda badan waxay qaadaan Iskitsoofiriiniyada markey yihiin da’da u dhaxeysa 20-30 sanno jir. Sababata loo xanuunsado ayaan la garaneynin laakiin hidaha ayaa door weyn ka ciyaara. Xataa cadaadiska dibada ka yimaada sida dhaawaca uurjiifta, dhibaatooyinka nolosha iyo qalad u isticmaalka daroogada ayaa sidoo kale saameyn kara.

Sidee ayay nolosha u saameysaa?

Xiliga uu xanuunku socdo waa muddo ugu yaraan sanad badhkiis ah laakiin waxay noqon kartaa nolosha oo dhan. Waxay noqon kartaa mid ku curyaamiya oo raad xun kaga taga isku kalsoonida. Waxa laga yaabaa inaan qofku awoodin inuu shaqeeyo ama wax barto, isagu isku jeeda ama qof yeesha casho aad u xun. Iskitsoofiriiniyada waxay adkeyn kartaa in la is dareemo iyadoo keenta walaac, walwal, niyad jab iyo dhibaatooyin hurdada.

Waalidu waxay keeni kartaa baqdin iyo ceed. Waxay noqon kartaa mid adag laakiin sidoo kale muhiim ah in qof loo sheego sidaad dareemeyso. Habdhaqanku waa xanuun ay tahay cudur laga heli karro caawimo.

Miyaa laga roonaan karaa?

Xataa haddii xanuunku yahay mid dabadheeraada ayuu muddo kadib yaraadaa. Xaaladaha saxda ah, ayaa qofka jirran uu ku noolaan karaa nolol caadi ah oo sida ta qof kasta oo kale ah. Marka laga reebo daaweynta ayaa waxa muhiim ah xidhiidhka bulshada ee taageerada leh iyo waxqabad maalinle ah oo waxtar leh. Caadooyinka wanwanaagsan sida cunnooyinka wanaagsan iyo hurdada ayaa sidoo kale u sahlaaya cudurku inadoo uu cudurku leeyaahay inuu keeno wax qalad u isticmaalka iyo diiq.

Marka laga shaki qabo inaad adigu ama qof qaraabo ah uu qabo ama khatar ugu jiro waali, waa inaad la soo xidhoodho rugta caafimaadka dhimirka ee dhalinyarta ama dadka waaweyn. Daaweynta iskitsoofiriiniyada waa muhiim si looga roonaado oo xataa kaa caawisa inaad dib ugu xanuunsato.

Saadaasha cudurka iyo daaweynta

Si aad ugu hesho saadaasha cudurka Iskitsoofiriiniyada waxa looo baahan yahay in khalkhalku socdey muddo lix bilood ah. Baadhitaan ayaa loo baahan yahay si meesha looga saaro sababaha kale ee keeni kara waalida, sida cudurada kale ama saameynta daawooyinka ama daroogada. Waxa jira daawooyinka waalida oo dhimi kara calaamadaha iyagoo u dhib yareyn doona waxqabadka maalinlaha ee qofka qaba iskitsoofiriiniyada. Daaweyntu waxay ka kooban tahay wadahadal taageero ah iyo dabiibka dhimirka. Waxa muhiim ah in uu qofka uu ku dhacay sida ugu dhakhsaha badan uu ugu helo taageero iyo caawimo siduu ugu heli lahaa shaqo ku haboon, ama uu dib ugu laabto tiisii hore. Taasi waxa la sameynayaa xataa haddii aanu wali qofku aheyn mid calaamadihii ka wada tageen.

Ammaanka ayaa muhiim ah, sidaas awgeed waxaa lagula talinayaa in laguugu daaweeyo guriga ama meelaha daryeelka gaarka ah marka aad xoog u jiran tahay. Xataa dadka qaraabad ah ayaa taageero u baahan kara marka ay aad ugu adagtay in la garag joogo.