Ge en gåva

Diiq

In la mareemo niyad jab ama daal aan caadi ahayn ayaan mararka qaarkood wax la yaab leh aheyn, waa mid qayb ka ah nolosha. Hase yeeshee, haddii wax aan kuu saameyn ama kuu keena inaanad wakhti dheer dareemeyn xiisyo, ayaa laga yaabaa inaad diiq qabto. Waxa jira daaweyn kaa caawinaaya diiq.

Waa maxay diiqu?

Haddii aad murugeysan tahay, niyadjabeysan tahay oo aanad awoodin inaad wax qabato maalin walba ugu yaraan laba todobaad ayay noqon kartaa inay tahay diiq. Diiq waa xaalad cudur oo bedesha qaabka aad u fikireyso oo aad dareemeyso.

Haddii aad qabto diiq waxa caado ah in aad si sahal ah u xanaaqdid oo ay kugu adkaato inaad wax ahmiyada saartid. Waxa sidoo kale kugu adkaan karta inaad go’aan gaadho aad walwal leedahay iyo dhibaato hurdada.  Waxaad xaalda u arki kartaa inay tahay mid culus oo aan micno laheyn.

Waxa caadi ah inaad is leedahay inaanad waligaaa marnaba ka bogsan doonin, waxa xitaa dhici karta inaad taas si buuxda u rumeysan tahay. Waxaa laga yaabaa inaad leedahay fikirka ah in aad run ahaantii guuldareysatey oo aanad wax tar leheyn oo ka walwalsan tahay sida dadku uga jawaab celin doonaan haddii aad u sheegtid sida aad dhab ahaantii dareemeyso. Waxay u muuqan kartaa inaad isku dayayso inaad is giijiso, laakiin waxaad hoosta ka dareemeysaa inaad isku dumtey.

Inkastoo aad xanuunsaneyso ayaanad adigu fahansaneyn in diiq ku hayo. Taa bedelkeeda, waxaad si buuxda u aaminsan tahay fikradda ah wax kasta macno daradooda nolosha iyo inay “runta” in la dhibaatod nolosha. Xataa haddii ay sidaas u muuqan karto wakhti, ayuu diiqu kaa dhigaa inaad “ilowdo” waxyaabaha aad nolosha jeceshahay. Sidaas darteed ayay ”been kuu sheegaysaa” diiqu.

Heerarka kala duduwan ee diiqa

Diiqu waxa uu noqon karaa mid khafiif ah, mid waxoogaa ah iyo mid qoto dheer ah. Haddii aad qabto diiq khafiif ah ayaa inta badan maalintii wax qabsan kartaa inkastoo aad xanuunsan tahay. Haddii aad qabtid diiq waxooga ah, ayay adagtey in nolol maalmeedka aad wax qabsato, laakiin waxaad qabsan kartaa inta ugu muhiimsan. Haddii aad qoto diiq xun ayaana sariirtaba ka kaceyn. Waxyaalaha fudfudud sida inaaad telefoonka dirto ama aad waraaqaha boostada furto ayaa la dareemayaa inaanay suurtogalba aheyn.

Markaas ayaad heli kartaa fikirka ah inaanad awoodin inaad sii noolaato. Ma arkeysid inuu jiro wax dhamaad ah oo liidashadaada ah, iyadoo aad rumeysan tahay inaad tahay qofka kaliya ee dareemaaya waxa aad dareemeyso. Waxaad sidoo kale is odhan kartaa malaha waxa u roon dadka kugu dhowdhow inaanad jirteenba. Haddii aad sidaas u xanuunsaneyso waa inaanad kali ku ahaan ee aad isla markaaba caawimo doorato.

Waxa jirta caawimo la heli karro

Haddii aad u maleynayso inaad qabto diiq waa inaad raadsato daryeel caafimaad. Waxaad rugta caadimaadka ka helaysaa adigoo soo maraaya 1177. Haddii ay ogolaato in la raadsado daryeel, caawimo ka hel bay’adaada si au ula xidhiidhaan daryeelka caafimaadka. Haddii aad dareentid in aad qabto fikirka ah inaad noloshaada iska qaado, waa inaanad sugin ee aad isla markaaba toos ugu raadsato daryeel dhimirka ee gargaarka degdega ah ama wac 112.

Maxaan sameyn karaa anigu si aan uga roonaado?

Way adkaan karta inaad is daryeesho markaad niyadjab qabto. Si kasta ha u qalafsanaatee, waa muhiim in wax la cuno oo la seexdo. Isku dey inaad baxdo maalin walba, xataa haddii ay tahay inaad xaafada ku soo warwareegto. Waxa fiican inaanad cabin khamri xataa haddii ay taasi waxoogaa kaa yara qaadeyo.

In qof lala hadalo, wax la qoro, ama la dhageysto muusigga ayaa noqon kara si aad fiicnaan u dareentid, ama ugu yaraan wax inay uuu ka xun. Inta badan ayaa murugado kaligeed iska tagtaa, laakiin waa ay soo laaban kartaa.

Waxa muhiim ah in daaweynta murugada aan la joojin ka hor wakhtigii loogu talo galay, xataa haddii aad dareemayso inaad ka roonaatey.

Kaligaa ma tihid

Waxaa jira dad badan oo diiqu uu ku dhaco oo ka dibna ku soo kabta. Diiqa ayaa ah waxa maanta ugu badan ee loo qaato fasaxa shaqada. In la qaato fasaxa shaqada ayaan aheyn calaamad muujineysa daciifnimo ama inaad khasaaretey, ee waxay taasi muujineysaa taas mid lidkeeda ah. Waa hab lagu helo fursad lagaga roonaado.