Ge en gåva

Buufis

Haaddii aad qabto buufis ayaad iska ilaalisaa kulamada bulshada adigoo ka baqanaaya inay dadka kale ku qiimeeyaan ama ku arkaan. Masuuliyada ah in si sax ah loo dhaqmo oo aan la isku ceebeyn dadka kale hortooda ayaa aad u weyn markaas oo aad iskaba ilaalineyso waxyaalaha kulamad bulshada. Waxa jira daaweyn kaa caawinaaya cudurka baqdinta bulshada.

Buufis waxa markii hore la odhan jirey cabsida bulshada, iyadoo u muuqata wax cabsi laga qabo halkaas oo baqdintu ay noqon doonto mid aad u weyn oo la dareemaayo in aanay suurtogal aheyn in loo dhawaado. Sida cabsiyaha kale, waxaa suurtagal ah in lagu tababaro iska ilaalinta iyo cabsida, laakiin waxay u baahan tahay in loo sameeyo tallaabo tallaabo iyo jawi sugan. Buufis macnaheedu waxa weeye inaad ka walwasho inaad dhex gasho xaaladaha bulshada meeshaas oo aad halis ugu jirto inay ku soo gaadhaan xishoodo xishood iyo raaxo la’aan weyn.

Sidee ayaa la dareemayaa in la lahaado baqdinta bulshada?

Waxaad ka heli kartaa fikradaha caadiga ah sida “Anigu dadka hortooda ayaan isku ceebeyni”, “Qof walbaa aniguu i daawan doona” ama qof kasta waxa uu u maleyn doonaa inaan waalan ahay.

Walwalku ayaa xiligaas jidhka dibadiisa u soo bixi kara, sida gariirka, wadne garaac xoogan, iyadoo uu afka ku qalalo ama in wajigu ku casaado. Waxa la moodi karaa sidii oo aad suuxeyso ama aad lumiso xakamaynta.

Jawaab celinta jidhku waa mid ka timaada natiijada in neerfahaagu uu ka falcelinaayo xaalad aad ugu dareemeyso inay khatari jirto. Fikirkaagu koowaad wuxuu noqon karaa inaad sida ugu dhakhsaha badan meesha uga baxdo.

Sidee ayay nolosha u saameysaa?

Xaaladaha bulshada ayaa ugu danbeyntii  aad u xun halkaas oo aanad adigu ku soo qeyb galeyn. Kalilya fikirka ah in dadka kale oo dhan ku soo wada eegaan ayaa noqon karta mid aan la qaadi karin.

Iska ilaalinta xaaladaha bulshada ayaa keeni karta inaad ugu danbentii noqoto mid kali ah. Si looga fogaado waxa qalafsan waxa la dareemi karaa in laga nafisay muddo gaaban, laakiin waxay keeneysaa inuu walwalku ka sii dheeraado. Marba marka ay ka sii badan tahay booska aad siineyso walwalka, ayay kolba ka sii yaraaneysaa booska aad siineyso nolosha aad rabi laheyd inaad ku noolaato.

Goorma ayaan caawimo raadsanayaa?

Haddii walwalkaaga xaaladaha bulshadu kaa horjoogsado nolol maalmeedka, oo aad xaddido noloshaada, waa inaad raadso caawimo. Waxay sidoo kale khuseysaa haddii aad isku daaweynayso khamri ama daawooyinka la isku dejiyo si aad ugu maareyso xaaladaada maalinlaha ah.

Maxaan caawimo heli karaa?

Waxa jira daaweyn kaa caawinaaya cudurka buufiska. In qofka la hadlo ayaa kaa caawin karta inaad wax dheeraad ah ka fahamto naftaada iyo sababta aad uga jawaabto celineyso sida aad sameynaysid xaaladaha kala duwan. Waxaad sidoo kale heli kartaa dabiibis koox ahaan ah. Waxaad u baahan kartaa inaad daawo qaadato muddo

Dadka oo dhan waa ay ka duwan yihiin, iyadoo daaweynta wax u tarta qof laga yaabo inaanay waxba u tarin qof kale. Waxaad isku eegi kartaa waxa adiga kugu haboon. Haddii aad hore ugu raadsatey daryeel caafimaad, laakiin aanad u arag inay wax kuu tartay, waa in aanad iska deynin ee aad haddana mar kale raadsato. Cilmibaadhis ayaa muujineysa in aysan ahayn qaabka dabiibka waxa go’aamiya haddii daaweyntu wax kuu tareyso iyo haddii kale, ee laakiin taasi waa kalsoonida aad tuseyso qofka ku daaweynaaya.