Ge en gåva

Xadgudubka galmada

Haddii qof loo geysto fal galmo ah inkastoo uusan isagu rabin ayaa ah xadgudub. Marka la yahay dhibane Xadgudubka galmadu soo gaadhay, waa caadi ah in la dareemo dambi iyo ceeb, laakiin waa muhiim inaad ku dhiirigeliso inaad soo sheegtid si aad uga gudubto.

Waa maxay xadgudubka galmadu?

Xadgudubka galmadu waa in qof ama dad ay qaataan xoriyda ay qof ugu geysanayaan fal meelkadhac ah oo nooc galmo ah. Waxay noqon kartaa mid nafsi ahaaneed iyo mid jir ahaaneedba, waana kaliya go’aamin kara qofka loo geystey waxa wanaagsan ama aan wanaagsaneyn.

Xad gudubka jidhka wuxuu u dhici karaa qaabka kufsiga ama si khasab ah in galmada loogu raaxeeyo qofka weerarka wada. Waxay sidoo kale noqon kartaa salaaxida oo aanad adigu ogolaansho siinin. Weerarka maskaxdu waxa uu noqon karaa faalooyinka galmada ku lugta leh, in lagugu qasbo inaad daawato filimad xunxun ama marka uu qof sameynaayo galmo.

Galmo lala sameynaayo carruurta ka yar 15 sanno jir ayaa markasta ah sharci darro. Xad gudub ayaa dhici karta hal ama in ka badan iyadoo dembiiluhu uu inta badan ka faa’iideystaa awooddiisa booska uu joogo. Waxa caadi ah in carruurta iyo dhalinyarada ay u geystaan waalid, qaraabo, macalin ama qof jaarka oo isticmaalaya aqoon la’aanta ilmaha. Dhibbaneyaasha kale ee loo awood sheegan karro ayada oo aan loo eegin da’da waxay noqon kartaan in dhibbanuhu uu qof awoood daran/daciif ah yahay, sakhraasan yahay, jirran yahay ama naafo yahay. Dambiilayaasha qaarkood waxay xidhiidh dareen wanaagsan leh ula abuurtaan ilmaha markaa kadibna waa ay isticmaalaan.

Qofka wajigiisa lagama arki karro inuu gali karro danbiga xadgudubka galmada. Waxa caadi ah in qofka lamaaanahiisu uu ka gudbo xadka, halkaas oo ay hanjabaad iyo rabshad ay caadi u yihiin.

Sidee ayaa nolosha u saameyn kartaa?

Xadgudubka galmada waxa uu khaas ahaan qofka loo geystey dhaawacaa maskaxiyen.  Dhacdadu waxay ku salka u fadhiisan kartaa isku kalsoonaanta waxayna ka qeyb qaadataa in qofka uu lahaado isku kalsoonaan ka yar oo ay ku adkaato inuu ku kalsoonaado dadka kale.

Qaar badan ayaa dareemaaya denbi in aanay si cad oo ku filan u dhan maya iyagoo sidaas darteed isku canaanta iyagu xadgudubka. In sidaas la dareemaayo ma aha micnaheedu inay sidaas tahay. Waxkasta ha ahaadeen dareenka ama fikradaha soo baxa hadhow ka dib, ee had iyo jeer waa qofka dembiilaha ah dembigiisa.

Dad badan ayaa dareemaya ceeb iyo yakhyakhsiimo in xadgudubku iyaga ku dhacay sidaa daraadeed waa ay adagtahay in la sheego. Waxay keentaa dareen kali ah iyo shaki ku sabsan dareenkiisa. Waxa ku soo gaadhi kara walaac, walwal, niyad jab, istarees, dhibaatooyinka hurdada, casho iyo isdil laga fikiro. Dadka qaarkood ayaa calaamaduhu si dhakhso ah ugu iman karaan halka ay kuwa kalena wax badan ka habsaami karto.

Miyaa laga roonaan karaa?

In kasta oo xad gudubka galmadu uu keeni karo xanuun weyn oo raad qoto dheer ku yeelan karro nafta, ayaa waxaa jira hab lagaga gudbo. Waa suurtogal in marlabaad xakamaha nolosha la qabto. In qof loo sheego waxa dhacay oo lagu rumaysto, ayaa waxay keeni kartaa inaad dareentid inaanad kaligaa aheyn. Dooro qof aad ku kalsoon tahay ama caawimo ka raadso qof ka baxsan sida la taliye ama dhakhtarka dhimirka.

Haddii uu qof hadda ku jiro xaalad xadgudub galmada hadda ayaa laga yaabaa inay adkaato in lagu dhiirado in laga hadlo. Haddii uu qofku dareemaayo in loo hanjabaayo ayay duurtogal tahay in xidhiidh la raadsado iyadoo aan magacaaga la sheegeyn.

Halkee ayaa laga helayaa caawimo?

Haddii shaki kugu jiro in adiga ama qof ka tirsan bay’adaad loo geystay xadgudub, ayaad la soo xidhiidhi kartaa xarun caafimaad ama waaxda gargaar degdeg ah. Waxa sidoo kale jira kooxo haweenka iyo gabdhaha ah ee ku yaala Iswiidhan oo dhan. Haddii arintu ay ilme carruur ah khuseyso ayuu adeega bulshadu meesha kuu joogaa.