Xaaladaha ku lugta leh

Dhibaatooyinka iyo fal celinta dhibaatooyinka

In la soo maro dhibaatooyin  ayaa caadi ah waxayna qayb ka tahay bani’aadamnimada, inkastoo ay noqon karto mid xanuun leh oo loo arko sidoo oo la lumiyey awood noloshoodaada. Xaaldadaha qaar ayaa falcelinta dhibaatooyinku keeni karaa inaa xanuun maskaxda

Waa maxay xaalad adag?

Xaalada adag waxa lagu sharxi karaa xilliga dhibaato nolosha qofka ahi jirto kaas oo dhaliya hal ama dhowr dhacdo oo qalafsan. Tani waxay noqon kara khasaare/dhimashada ama isbeddel weyn oo nolosha ah sida dhacdooyinka lama filaanka ah sida musiibo dabiiciga ah, shilalka waaweyn ama fal argagixiso. Xitaa dhibaatooyin waqti dheer ah ee sida shaqada, dhaqaalaha, kala tagga ama helitaanka war ku sabsan cudur ayaa keeni kara dhibaato.

Inaad wajaheyso xaalad masuuliyad xanbaarsan taas oo u muuqan karta inay tahay wax aad u weyn oon la awoodi karin ataa horseedi karta xaalad adag. Waxa loo yaqaanaa dhibaatooyinka isbeddelka wuxuuna ku siin karaa dareenka ah haleynta naftiisa oo aanad ogaan karin qofka aad tahay ama waxa aad rabto. Sida marka uu ilmaha ugu dambeeya ka guuraayo guriga ama marka aan la gaadhin waxa aad rajeyneyso da’da go’an. Xaalad adag waxa xataa keeni kara isbedel wanaagsan sida in la guursado ama waalid la noqdo.

Sidee ayaa falcelin dhibaatadi u saameyn karaa nolosha?

Iyadoo ku xidhan sida loogu nugul hayay dareenka iyo waaya-aragnimadii hore, ayay dadku ugu jawaaba celiyaan siyaabo kala duwan xaalada adag. Waxa caadi ah in la dareemo walwal, cabsi, daal iyo dhibaatooyin hurdada ah. Xitaa dareenka rajada la’aanta, kelinimada, qalbi madhnaanta iyo la ahaado mid laga tagey ayaa dhici karta. Waa mid caadi ah oo aan la mid aheyn cudurka.

Waxa muhiim ah xiliga xaalada adag in la isku ogolaado in la dareemo oo aan waxwalba la isku celin. In dadka kale lagala hadlo waxa dhacay ayaa caawineysa in dhacdada lla maareeyo. Dad badan ayaa maareeya xaalada adag iyagoo taageero ka helaaya qaraabada, laakiin marmarka kaarkood ayay xaalada adag keentaa, dhibaatooyinka maskaxda iyo cudurrada sida xanuunka la qabsiga iyo dhibaatooyinka soo noqnoqda ee istareeska (PTSD).

Miyaa laga roonaan karaa?

Saadasha xanuunka dhibaatooyinka la qabsiga ayaa la dejiyaa markii meesha laga saaro cudurada kale. Waxa ka buuxa walaac, walwal iyo niyadjab. Waxa ay xataa keeni kartaa isbedelka dabeecada. Xanuunka la qabsiga waxa uu kordhin karaa khatarta isdilka, gaar ahaan dhalinyarada.

Xanuunka la qabsiga ayaa leh saadaal wanaagsan oo daaweyn ah iyadoo marba marka ka horeysa ee la sheego saadaasha cudurka ayay ka sii yaraan kartaa khatarta xanuunada maskaxda ee mustaqbalka. Dhibaatadu waxa weeye in xadka u dhaxeeya waxa loogu yeedho falcelin xaalad adag iyo xanuunak la qabsiga aanay sahal aheyn in la go’aamiyo.  Taasi waxay keentaa inaan dad badan waligoo helin cudur sheegista.

Haddii aad ubaahan tahay taageero dheeri ah ama shaki ka jiro jirro maskaxda oo halis ah ka dib xaalada adag, ayaad la soo xidhiidhi kartaa xarunta daryeelka caafimaadka. Dadka yaryar waxa xataa ay haystaan daryeelka caafimaadka ee dugsiga ama xarunta caafimaadka dhalinta inay u tagaan. Haddii ay jiraan dhacdooyin calaamado badan oo halis ah sida isdilka qorshe la’aanta, ayaa la soo jeedinayaa in la aado cisbitaalka dhimirka ee balan la’aanta ama BUP.

Daaweynta

Daaweynta xaalada adag waxa uu ka koobnaan karaa ka-hortagga xaaladaha adag ama dabiibka dhimirka. Ka hortaga xaalada adag waxay tahay in si dhakhso ah wax loogu qabto, caawimo in la diyaariyo shabakadda bulshada, fahamka dhacdooyinka, garashada iyo xalinta dhibaatooyinka, iyo taageeridda iyo dhiirrigelinta. Daaweynta muddada gaaban ee daawooyinka la siiyo ayaa kaa caawin kara dhibaatooyinka hurdada.