Ge en gåva

Dhibaateynta

Dhibaateynta, ama in si meelkadhac ah laguula dhaqmo ayaa ah mid caadi ah iyadoo saameyn karta carruurta iyo dadka waaweyn. Waxay dhaawacdaa isku kalsoonida iyadoo xaaladahaha xunxun keeni karta caafimaad daro dhimirka ah oo waarta muddo dheer. Ma aha inuu qofna la ildaraado taas iyadoo sidaas darteed loo baahan yahay in lala dagalamo dhibaateynta.

Waa maxay dhibaateyntu?

In laguu geysto dhibaateyn waxa micnaheedu yahay in lagu jiro xaalad laga hooseeyo oo markasta lagugu xad gudbo. Dhibaateynta waxa xataa loo yaqaan ama in si meelkadhac ah laguula dhaqmo iyadoo sanad walba Iswiidhan soo gaadho 60 000 oo carruur ah.

Dhibaateynta maskaxda ah ayaa toos hortaada lagu sameeyaa iyadoo la yidhaahdo hadalo meelka dhac ah iyo sawiro, xasuus, qosol quudhsi ah, wax ceeb ah lagaa faafiyo ama in markasta qof kooxda dibada looga saaro. Meelkadhaca jidhka loo geysto waxa uu noqon karaa dilmo, laagid, riixitaan ama hanjabaad dagaal. Dugsiga iyo musqusha io qolka labiska ayaa ah meelaha ugu badan ee uu ka dhaco.

Xataa dadka waaweyn ayaa is dhibaateya. Tobankiiba hal dadka waaweyn ayaa sheegay in shaqada loogu geystey dhibaateyn. Dhibaateynta ka dahcada internedka ayaa ah dhibaato weyn oo noqon karta faalooyin, ceedo ama sawiro meelkadhac ah oo la faafiyo.

Waxa loo arko meelkadhaca ayaa ku xidhan waxa uu qofka loo geystey u arko. Waana mid shakhi kasta khuseysa sida waxa uu u arko inay tahay meelka dhac ama waxay kaftan ah. Waxa uu qofka  geystey meelkadhacu leeyahay waa ay aheyd ujeedadu ayaan xaqiiqdii micno sameyneyn.

Sidee ayay nolosha u saameysaa?

Dhibaateynta waxay dadka u saameysaa siyaabo kala badan laakiin haddii meelkadhacu uu muddo badan socdo ayay khatartu weyn tahay in qof isku kalsoonidiisa si xun loo dhaawaco. Waxaa mid dhacda in qofka la dhibaateynayaa uu kama danbeysta dareemo in waxa qofka dhibateynayaa uu sheegaayo ay run tahay oo dadka kala laga liito. Sidaas ma aha, laakiin waxay qofka ka dhigi kartaa mid ka sii xanuunsan, dareemaaya kali ama ceebeysan.

Dhibaateyntu waxay keeni kartaa dhibaato caafimaad darro dhimirka oo wadata walwal iyo niyad jab iyo xataa u muuqan karta jidh ahaan tusaale ahaan madaxa ama caloosha. Dhibaateynta goobta shaqada ayaa maanta ah sababo badan oo fasaxa jirrada loo qaato, iyadoo ay ku mid yahay saadaasha cudurka halis ah daalka badan ee xanuunka argagaxa istareeska ka dib (PTSD).

Miyaa laga roonaan karaa?

Ceeb, dembiga iyo cabsida ah inaad u muuqato mid daciif ah ayaa kuhu adkeyn karta inaad ka hadasho dhibaateynta. Laakiin waa in xaaladu is bedesho lagu sameeyo si looga roonaado. In dhibaatada kaarbadka hoostiisa lagu xaaqo ayaan aheyn xal iyadoo qof kastaa uu leeyaahy xuquuqda uu ugu dareemaayo caafimaad wanaagsan oo si fiican loola dhaqmaayo. Waxa wanaagsan in qofku lagu kalsoon yahay lagala hadlo sida la dareemaayo sida tusaale ahaan waald, qaraabo, jaar, macalin, asxaab ama lamaane.

In la muujiyo geesinimo oo la difaaco marka qof kale wax loo geysto ayaa muhiim ah si loogu joojiyo dhibaateynta wadahadalka. Waxa ka fiican marar badan laga fal celiyo halkii la iskaga indho tiri lahaa sidoo aanay waxba dhicin.

Halkee ayaan u tagi karaa?

Haddii aad aragto in ilme dugsiga loogu geystey dhibaateyn ayaad la hadli kartaa shaqaalaha. Dugsiga ayaa sida uu sharcigu dhigaayo ay tahay inuu leeyaahay qorshe uu ku maareynaayo dhibaateynta. Marka laga hadlaayo dhibaateynta goobta shaqada ka dhaca ayaan wax sharci ah jirin, laakiin waxa bisha maarso 2016 soo baxay xeer cusub oo ku saabsan arimaha habeynta iyo isdhexgalka bulshada ee bay’ada shaqada. Waxa uu cadeynayaa waxa masuuiyad saaran shaqo bixiyaha marka laga hadlaayo in si meelkadhac ah laguula dhaqmo.

Haddii qof uu bilaabo inuu dareemo xanuunka dhimirka ama uu helo fikirka isdilka, ayay xitaa ka sii muhiimsan tahay in aad caawimaad ka raadsato dibadda. Waxa loo tagi karaa xarunta caafimaadka ama daryeelka caafimaadka dhimirka ee balan la’aanta.

Haddii dhibaateyntu ay keento in qof loo geysto danbi ayaa booliiska loo sheegi karaa. Waxa taasi noqon kartaa weerar xadgudub ah, danbi hanjabaad ah ama xadgudub sharafta qofka. Booliiska kala xidhiidh wixii talo arintaas ku sabsan.