Waa maxay caafimaad daradda dhimirku?

Dhibaatooyinka dhimirka, sida tusaale ahaan walaaca iyo niyad jabsanaanta, ayaa noqon kara falcelin caadi ah oo xaalad nololeed oo qalafsan iyagoo inta badanna ah qaar taga. Waxaa muhiim ah in aan cudur lagu sheegin waxa falcelin nolosha oo caadiya ah, isla markaa ayaa in dhakhso loo ogaado xaaladaha dhimirka ay waxtar wanaagsan u leedahay saadaasha.

Caafimaadka dhimirka sida waafaqsan WHO

Wuxuu yahay fikrada caafimaadka dhimirku ayaa lagaga dooddaa heer cilmi-baadhis. Waxa joogto ah inay dhowr qeybood oo caafimaad qaba ahi ay ku jiraan, sida tusaale ahaan xasaasinimada, caafimaadka dhimirka iyo badqabka bulsho ahaaneed. Marka laga eego qeexitaanka WHO, ayuu caafimaadka dhimirku yahay xaalad maskaxeed halkaas oo uu qofkasta kaga dhabeyn karro fursadihiisa, awood u leeyahay inuu qabsan karo cadaadiska guud, uu si fiican u shaqeyn karro, oo uu wax ku soo biirin karo bulshada ay iyadu/uu isagu ku noolyahay. Caafimaadka dhimirka waxa ka mid ah waxyaalo ka badan caafimaad daradda maskaxda, oo ku lug leh khibradda shakhsi ahaaneed iyo xidhiidhka u dhexeeya shakhsiga iyo xaaladda bulshada ee uu ku nool yahay.

Caafimaadka dhimirka iyo caafimaad daradda dhimirka ayaa isla hal mar imaan kara.

Qeexitaannada caafimaadka dhimirka ayaan waxoogaa ka yara cadeyn laakiin waxa badi la isku raaceen in aysay aheyn kaliya waxa ka maqan caafimaadka dhimika uun. Caafimaadka dhimirka waxa lagu qeexayaa xaalad halkaas oo dhinacyo badan oo nolosha shaqsigu ay si fiican u shaqeynayaan, si qofku uu ugu dareemo farxad, uu isagu naftiisa caafimaad qabo, iyo dadka kale ee bulshada ee uu la dhaqmo. Caafimaadka dhimirka iyo caafimaad daradda dhimirka ayaa isla hal qof u imaan kara, sida ay aaminsan yihiin cilmi-baadhayaasha qaarkood.

Sidee ayaa loo sameeyaa saadaasha xanuunka dhimirta?

Caafimaad daradda dhimirka ee halista ah waa xaalad xanuun oo dhimir taas oo isku muujisa sida xaalad baahsan oo kala dudwan marka laga eego nidaamka cudur sheegista ee kala duduwan. Nidaamkan cudur sheegistu waa ka WHO-da International Classification of Diseases, Nidaam kale oo baahsan waa Diagnos­tic and Statistical Manual of Mental Disorders, DSM kaa oo ay soo saaraan American Psychiatric Association, APA. Xaalad daawo ahaan, ayaa nidaamka DSM uu yahay mid muhiim u ah xitaa meelaha ka baxsan Maraykanka, laakiin rasmi ahaan waa, ICD waxa loo isticmaalo si saadaasha cudurka loogu sameeyo daryeelka caafimaad ee iswidhishka.