Saadaasha neerfaha dhimirka

Xanuunka maskaxda ee Tourettes iyo tics

Xanuunka maskaxda ee Tourettes iyo tics waxay caadi ahaan bilowdaan todoba jirka iyadoo ay keento iskudheelitir la’aan maskaxda. Inaad hesho saadaasha cudurka ayaa la dareemi karaa inay tahay xukun xabsi daa’in ah, khaasatan marka la yahay waalid leh ilme ay ku dhacdey. Laakiin xaqiiqu waa in dadka intooda badan ay ka bogsadaan ama ay bartaan sida mustaqbalka loo maareeyo calaamadaha.

Waa maxay xanuunka maskaxda ee Tourettes?

Xanuunka maskaxda ee Tourette wuxuu ka tirsan yahay kooxda cudurka sheegis ah oo loo yaqaan naafonimada dhimirka, taas oo micnaheedu yahay, inaan maskaxdu u shaeyn doonin si haboon. Markaas ayay keentaa calaamado tics ka ah oo dhaqdhaqaaqa iyo hadalka ah. Tics waa falcelin sida dhaqdhaqaaqa, kaas oo tusaale ahaan, ah libiqsiga indhaha, garbaha oo la ruxo iyo walax la taato Xitaa dhawaaqyada sida qufaca, cunaha la sifeeyo ama foodhida.

Dad badan ayaa tics ku sifeeya in ereyo xunxun la soo tuuro ama la yidhaa hadalo aan ku habooneyn. Waxa taas la yiraadh koprolali oo aanay wku wada dhicin qof kasta oo qaba xanuunka tourettes.

Tics waxa uu inta badan yimaadaa carruurnimada inta u dhaxeysa shan ilaa todoba sanno laakiin uma baahna inay micnahiisu yahay in ilmaha uu heli doono xanuunka tourettes. Waxa uu noqon karaa mid kumeelgaadh ah oo aan u baahneyn daaweyn. Si laguugu siiyo saadaasha xanuunka Tourette,  ayaa loo baahan yahay inuu tics yimid ugu yaraan hal sano iyo ugu yaraan saddex bilood oo aanu kala go’ lahayn. Cudurku waxa uu inta badan ku dhacaa wiilasha isagoo ah mid la kala dhaxlo.

Sidee ayay nolosha u saameysaa?

Xanuunka maskaxda ee Tourettes ayaa noqon kara mid aad u dhiba carruurta hadda uun bilaabey dugsiga. Marka laga reebo tics ayay caado tahay  in wax ahmiyada la saaro, qalqaali badan iyo wax akhriska oo kugu adag. Cudurku waa uu kala duduwanaan karaa isagoo mara tics marxalado adag leh iyo mid aan laba dareemin. Istareeska ayaa kicisa calaamadaha.

Dadka intooda badan waxa hoos u dhaca ama baa’ba calaamadaha marka la weynaado. Haddii aan taasi dhicin ayaa qaar badani maareeyeen tics kooda si wanaagsan oo aan bay’adu dareemin taas, si kadibna ku soo baxa guriga. Dadka intooda badan waxay la noolaan karaan oo ay yeelan karaan nolol bulsho oo wanaagsan iyagoo cudurka qaba. Bay’ad fahansan ayaa aad muhiim badan u leh.

Waxa xanuunka maskaxda ee Tourette caadi ah la noqdo mid wax iska sameeya, oo leh xanuunka wiswiska, walwal ama diiq. Cudurku ma saameeyo qofka caqligiisa iyo haybadiisa. Waxa laga dooday inay jiraan xidhiidh ka dhaxeeya xanuunka maskaxada ee Tourettes iyo haybada muusiga, tusaale ahaan sida Mozart.

Ma inaan caawimo raadsadaa?

Haddii aad ogaato inuu jiro ilme uu  muddo dheer dhibaayey tics, waa inaad caawimo raadsato. Way adkaan karta in la ogaado waxa dabeecadda ilmuhu ay ka xidhan tahay, iyadoo marba marka ay ka sii horeyso xiliga ilmahu uu wuxuu helayaa ogaansho saadaasha ayaa cudurku uu ka sii noqon karaa in la maamulo inta lagu jiro soo koritaanka. Macluumaad dheeraad ah iyo aqoon dheeraad ah ayay bay’addu ogaataa in dabeecadaha dhibbanaha aan lagu xakamayn karin isaga rabitaankiisu.

Iyadoo ku xidhan da’da ilmaha ayaad la xidhiidhi kartaa xarunta daryeelka caafimaadka, daryeelka caafimaadka ee dugsiga, BUP ama xarunta daryeelka carruurta. Si loo baadho cudurka, dhakhaatiirtu waa inay meesha ka saaraan sababaha kale ee keeneysa ‘tics’ iyo in la ogaado in dhibanaha uu qabo tics ka dhaqdhaqaaqa iyo hadalka.

Sidee ayay daaweyntu u eekaan kartaa?

Haddii loo arko in tics ka ilmahu uu yahay mid curyaanimo weyn u keenaaya ayuu jiraa caawio xirfad leh oo la heli karro. Taageerada dheeraadka ah ee dugsiga ka sokow, ayaa daaweynta daawada iyo daaweynta dabeecadda garaadka (KBT) ay kaa caawin karaan xanuunka maskaxda ee tourette. Xataa qaraabadda ayaa u baahan kara taageero iyo waxbarasho si ay ugu taageeraadn qofka ay ku dhacdey.