Ge en gåva

ASD/Xanuunka Asperger

ASD waa cudur maskaxda oo shaqooyin kala duduwan kaas oo u taagan Autism Spectrum Disorder. ASD waa magac guud oo cudurada shaqada maskada ee kala duduwan loogu yeesho kuwaas oo micnahoodu yahay hab kale oo loo wada xidhiidho ama la iskugu xidho bulsho ahaan. Mid ka mid ah ASD waxa loo yaqaan xaalada cudurka Aspergers.

Maxaa keena ASD/Asperger?

ASD/Asperger waxa keena inay maskaxdu u shaqeyo si ka duwan sababo hidde ahaan awgeed. ASD/Asperger waa mid lagu soo dhasho iyadoo inta badan la arko carruurnimada. Saadaasha cudur waxa caadi ahaan ay u badan tahay wiilasha marka la barbar dhigo gabdhaha, laakiin cilad-darradu way adagtahay in lagu sheego gabdhaha iyadoo xaaladuhu badanaa aysan soo bixin illaa iyo waqti dambe.

Waa sidee in la qabo AD/Asperger?

In la qabo ASD/Asperger waxay keeni kartaa in wax ahmiyad gaar ah la siiyo si aad waqti badan ugu galiso. Waxaad sidoo kale kugu adag fahamka hab-dhaqameedyada bulshada iyo qaabka aad u-dhexgasho iyo is-gaarsiinta, wax dadka kale u muuqda, laakiin aan adiga kuu cadeyn. Adigu waxaad u nugloon tahay dareen maskaxda sida taabashada, codka, urta iyo dhawaaqa. In la qabo ASD/Asperger ayaa noqon karta awood dabiici ah. Waxaad inta badan leedahay adkeysi iyo taxadir badan waxaanad waqti dheer ahmiyad siin kartaa hal shay.

ASD/Asperger waxay keeni karaan hoos u dhac dhaqdhaqaaqa.

In la qabo ASD/Asperger waxay micnaheedu tahay inaad xoog ugu nugushey istareeska. Taas keligaa ayaa keeni karta, tusaale ahaan, inaad si fudud u dareento walwal, niyadjab iyo fikirka qasabka. Isbedelka dibedda ayaa sidoo kale noqon kara mid adag – ha weynaado ama ha yaraadee. Maadaama oo aanad awoodin inaad xakamayso qaabka aad u shaqeyso, waxa fudud in badanaa dadka kale qalad kuu fahmo. Maaha wax aan caadi ahayn in dugsiyada iyo goobaha shaqadu aanay mar walba ku siin gundhig taageero oo kugu filan adiga ka duwanaanta sidaad u shaqeyso. Aqoonta iyo fahanka laga helo bay’adaada ayaa aad u muhiim ah.

ASD/Asperger ayaa dadka u kala duduwan.

Qeybaha ootiisamku waa mid aad u ballaadhan, wuxuuna si aad ah u kala duwanaan karaa dadka kala duduwan isagoo siyaabo kala duduwan u muuqan kara. Habka aad u aragto aduunka, xallinta dhibaatooyinka iyo kartidaada garashada ayaa sidoo kale door weyn ka ciyaareysa.

Halkee ayaan caawimo ka raadsan karaa?

Haddii aad u maleynayso inaad qabto ASD/Asperger waa inaad raadsato xarun caafimaadka dhimirka. Halkaa waxa lagaa caawin karaa inaad ogaato haddii aad leedahay ASD/Asperger iyo haddii ay jiraan sababo kale. Ugu horreyn, waxaad caadi ahaan la kulmeysaa dhakhtar ama dhakhtarka cilmu nafsiga kaas oo samayn doona qiimeynta hore. Taas ka dib, waxaad sameyn doontaa baadhitaan muujin doona haddii aad qabtid ASD/Asperger iyo in kale.

Maxaan caawimo heli karaa?

Waxaad heli kartaa qalab caawimo iyo taageero dusgiga, shaqada iyo nolol maalmeedkaaga. Shuruuda, caddeynta, waxyaalaha lagaa sugaayo iyo bay’ada waxa loo baahan yahay in lagu saleeyo habka aad u shaqeyneysid si looga fogaado istareeska iyo walwalka.