Saadaasha neerfaha dhimirka

Adhd

Dad badan ayaa laga yaabaa in ay ku adkaato in ay soo jeestaan, wax ahmiyad saaraan oo marmarka qaarkood dareema qaar aan fadhiisan karin. Haddii aad leedahay habdhaqan kala duduwan oo adhd ayaa markasta qof halkaa kula joogaa oo saameyn kara nolol maalmeedka. Tani waxay kuu horseedi kartaa inay kugu adkaato inaad iskuulka iyo shaqada qabato.

Waa maxay adhd?

Adhd waa kala duwanaansho shaqada neerfaha. Xarfaha adhd waxay u taagan yihiin Attention Deficit Hyperactivity Disorder, taas oo micnaheedu yahay dhaawac feejignaanta iyo qalqaalinimo, laakiin ma aha dhammaan dadka qaba adhd oo dhami inay yihiin kuwo qalqaali ah.

Noocyada kala duduwan ee adhd ga

Adhd waxa weeye iyadoo ay adagtahay in la maamulo wax ahmiyad siinta. Waxa jira noocyada kala duduwan oo adhd ga ah. Haddii ay kugu adagtahay inaad wax ahmiyad siiso, ay kugu adagtahay inaad maareyso waxaa ahmiyada saareyso oo aad salfududahay oo aad firfircoontey ayaad qabtaa nooc ka mid ah adhd. Haddii ay kugu adagtahay inaad wax ahmiyada saarto iyadoo aanad aheyn qof salfududu ayay markaa tahay cudurka add. Nooc saddexaad ayaa kaliya ah qaar aad u firfircoon oo salfudud. Noocan ayaa ku badan carruurta yaryar, isagoo badanaaba ay ka koraan ama waxa uu isku bedelaa hadhow qaab isku-dhafsan oo ah adhd.

Maxay tahay in la qabo adhd?

Waxa tusaale ahaan kugu adkaan karta inaad wakhtiga ogaatid ama inaad alaabtaada ilaashatid. Waxa sidoo kale adag in la kala sooco aragtida maxaa yeelay wax kasta si isku mid ah ayaa loo maqlayaa oo loo dareemayaa. Tilmaamo dheer ee qalafsan iyo in wax la bilaabo ayaan sidoo kale aheyn wax fudud mid kuugu fudud sida dadka kale ee aan qabin adhd. Waa sidaas mid la mid ah in la dhameystiro wax aad bilowday. Marar badan ayaad u muuqanaysaa inaad tahay mid salfudud  dadka kale. Qaar badan oo qaba adhd waxa u fudud inay mala awaalaan iyagoo ka fikiraaya waxyaabo gebi ahaanba ka duwan kuwa ay haystaan tusaale ahaan casharo, muxaadarooyinka iyo kulamada.

Adhd ayaa sid auu dadka ugu dhacaa ay kala duduwan tahay.

Adhd waxa loo arkaa siyaabo kala dudwuan iyadoo ku xidhan qofka aad tahay. Shakhsiyadaada, sidaad u xanaaqdo, dabeecadahaaga, waxaad qiimeynayso iyo waxaad xiiseynayso ayaa sidoo kale saameyneysaa sida aad tahay iyo sidaad u dhaqanto. Deganaansho la’aan ay dad badan oo qaba adhd dareemayan ayaa siyaabo kala duduwan loo u muuqata. Dadka qaar ayay ku adagtahay inay meel saani u fadhiistaan halka ay kuwa kale dareemayaan waxoogaa deganaansho la’aan. Maadaama oo habdhaqanka bulshada ee wiilasha/ragga iyo gabdhaha/haweenku ay kala duwan tahay, ayaa sidoo kale keenaysa in adhd-gu uu kala duduwan yahay.

Adhd waxa uu keeni karaa hoos u dhac dhaqdhaqaaqa.

Marba marka dalabaadka laga rabaa uu ka sii weynaado ayaa dareemeysaa in uu carqalad ka weyn kugu noqon doono adhd gaagu. Maadaama oo aanad awoodin inaad xakameyso ama aad mareyso hab dhaqankaaga waxay kaa dhigi kartaa in si qaldan laguu fahmo oo aad ku dawakhdo. Waxay keeni kartaa inaad isku dhacdaan dadka kula jooga. Sababta oo ah dugsiyada iyo goobaha shaqadu badanaa kuma siinayaan shuruuda xag ah kala duwanaanshaha waxqabadkaaga, waxay taasi kuu horseedi kartaa naafonimo. Waxa muhiim ah in la xasuusto in kulan xun uu inta badan ku xidhan yahay aqoon darro.

Maxaa keena adhd ga?

Waa xasaasinimo xagga neerfaha maskaxda ee nidaamka kaas oo saameeyaa sida aad u shaqeynayso xaaladaha qaarkood. Inta badan waa mid la dhaxlo, laakiin dhacdooyinka guud ayaa sidoo kale saameyn kara ilaa xada. Tusaale ahaan in hore loo soo dhashay. Waxa laga yaabaa in ay soo baxdo xilli hore oo carruurnimada ah, iyadoo qaar badani ay ka koraan.

Halkee ayaan caawimo ka raadsadaa?

Haddii aad u maleynayso inaad qabto adhd waa inaad la xidhiidho xarunta daryeelka caafimaadka ama raadsato xarun caafimaadka dhimirka. Halkaa waxa lagaa caawin karaa inaad ogaato haddii aad leedahay adhd, ama haddii ay jiraan sababo kale. Ugu horreyn, waxaad caadi ahaan la kulmeysaa dhakhtar ama dhakhtarka cilmu nafsiga kaas oo samayn doona qiimeynta hore. Taas ka dib, waxaad sameyn doontaa baadhitaan muujin doona haddii aad qabtid adhd iyo in kale.

Maxaan caawimo heli karaa?

Waxaad agab caawimo ah ka heli kartaa dugsiga, shaqada iyo nolol maalmeedkaaga. Waxa sidoo kale jira daawooyinka kale ee hoos u dhimi kara calaamadaha adhd ga. Haddii aad qabto adhd waxaad inta badan u baahan tahay in waxqabadka saani loo habeeyo iyadoo aad u baahan tahay in taas lagaa caawiyo. Shuruuda, waxyaalaha lagaa sugaayo iyo bay’ada waxa loo baahan yahay in lagu saleeyo si looga fogaado istareeska iyo culeys weyn oo ku fuula.